Sunday 13 May 2012

Soomaaliya oo Xoriyad Heshay


Mar mar, marakaan ka fakaro dadka Soomaaaliyeed ee qorbajooga ah—oo aan ka mid ahay—waxaan xussustaa heeskaan oo niman Maraykan ah ay qoreen.

Markay qoreen waxay ka hadalaayeen afar boqol (400) sanno oo isticmaar oo ay dadka Maraykanka ah oo mad madow ay soo mareen.

Dadkaasu mad madow waa dad aad u bahdilan. Waa dad si xun la Abuwuusay oo waa dad aan garankarin meesha ay ka yimaadeen sababtaasuna waxaa u ah in si aad u fool xun oo sharci daro ah loo geeyay qaaradda lugu magacaabo maanta qaaradda Maraykanka, oona beeraha dadka gaalada cad cad loogu isticmaalay sida xoolo la rarto.

Maanta waxaa jira cadaadis xun oo kaga imaanaaya dhanka dhaqaalaha dadka ah gaalada cad cad oo reer Yuurub iyo reer Maraykanba isugu jira waxayna rabaan in ay helaan meelo cusub oo ay u dirikaraan dadkooda tababarrab oo dadqolattada ah, waxayna jecelyihiin in dadkaasu meelo cusub ka howl galaan oo ay soo abaabulaan qabsoshada beero cusub oo qodis cusub ama isticmaar cusub loo gayb karo ee qarnigaan 21-aad.

Sida dadka Soomaaliyeed ay ula socdaan (meelkasta ay joogaan) dhulkii Soomaaliyeed waxaa iibinaaya dad shisheeya oo waxay dadkaasu shisheeya run moodeen beenta ay isu wada sheegeen oo ah in Soomaalidu yihiin dad cawaan ah oo aan kala jeclayn hadii dhulkooda—dhulkii Illaahay siiyay—in laga qaado ama in laga qaadin!

Waxaan rabaa in ay dadka Soomaaliyeed, qaar ahaan dadka Soomaaliyeed oo ku nool gudaha dalkeenii in ay kalimadaha heeska aan ku lifaaqay meeshaan (oo rag mad madow oo Maraykanka ah ay qoreen) ay wax ka faa'iidaystaan oo ay gartaan in dadlkoodii ay dadka shisheeya ay rabaan in ay isticmaaraan waqtiga hada lugu jiro.

Waxaa ogaataan taariikhda jirta oo waxaa is waydiisaan hadii dad la gumaysanaayay 400 sanno, maxaa keenay in ay xoriyadooda maanta raadiyaan?

Hadiina ay xoriyyadooda u dagaalamaayaan maanta, maxaa adinka—oo dad xornimadda u dhashay adinkoo ah dad Soomaaliyeed—uga fakaraysaan imisa sanoo oo hor leh isku duubaaya calanka buluuga ah oo callamadda u ah qaranimadii sharaftalahayd ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Waa in la iswaydiiyo, maxaa dadkeena Soomaaliyeed oo walaalaha aan wada nahay ku qasbay in ay taageeraan dad la mid ah!!! Sh. Shariif iyo C/raxmaan 'Faroole'!!!?

Dad keena dhalinta yar maxaa ku dhacay? Maxaan u waynay dad dhalinyar oo u soo istaaga difaaca dalkeena???