Wednesday 5 October 2011

Haloo Istaago Difaaca Biyaha Badda Soomaaliya


Waxa jira nin kaliidta qaanziir oo ladhaho Cabdiraxmaan Shiikh Ibraahim Maxamed oo ay nasiibdaradda Soomaalida ay noqotay inuu ninkaas noqdo nin katirsan DKM Soomaaliya. Waxay naleeyihiin ninkaani waa nin mas'uul ka ah arimaha kusaabsan biyaha badda wadanka Soomaaliya wuxuuna hadal kadhigtay waayahaan in badda Soomaaliya ay u bahantahay in laxadeyo iminkaan. Nin noocaan oo kale ah in lagadhexhelo ummada Soomaaliyeed ma fileyn runtii maxajira ma'islaheyn nin sidaani u cagli xun oo xilka wasiirnimo sheeganaya oo islamarkiibana leh shaqadeyda halabaabi'iyo oo dowlada Kenya halawareegto shaqadeyda unasiiqaba in badda wadanka Soomaliya gebigeedaba luguwareejiyo dowlada Kenya waxaanu arrin aad yaab badan.

Waxaan kuleeyahay Cabdiraxmaan Shiikh Ibraahim Maxamed afxumodiisa iyo aflagaadiisa waxba kagamuuqaadidoono wadanka Soomaaliya laakiin wa in xilka wasiirnimada DKM Soomaaliya lagaqaado ninkaan sharaftalaheyn oo sida riqiiska ah udhaqmaya. Waxa lamooda in ninkaani xun oo sida tuug udhaqmaya in ay soo kireysteen siyaasiyiinta wadamada Kenya iyo Norway. Cabdiraxmaan Shiikh Ibraahim Maxamed ma'aha nin xishoonaya waana nin afjuxuunsiga kudheereeya madaama uu iskudeyaayo in uu si cad u inkirro jiritaanka sharciyadii caalamiga ah ee biyaha badda Soomaaliyeed oo soobaxay (1972), (1982), (1988). Cabdiraxmaan Shiikh Ibraahim Maxamed oo ah nin sheeganaya inu yahay wasiir dowladeed oo islamarkiibana si cad oo sharcidaro ah u dhaqmaya waa khasab in si deg deg ah loogaqaado xilka ummadd dhan ay kukhasaaroqabto.

Cabdiraxmaan Shiikh Ibraahim Maxamed wuxu si xun u ceebeyay Soomaaliya marku sidafooshaxun uu u isticmaalay calanka iyo calaamadaha kale ee qaranimada wadanka Soomaaliya waana khasab in labaaro meeshi ay Kenya ama Norway (ama labadaas dowladood oo iswadta) ay u mariyeen lacagta ay ninkaani xun siyeen sidu howshaan ay dantooda ku gaarayaan ugu fuliyo! Wa in la'iswadiiyo sideebu u dhihikaraa Cabdiraxmaan Shiikh Ibraahim Maxamed waxan ahay nin mas'uul ka'ah arimaha biyaha badda ummada Soomaaliyeed isagoo udhaqmaya sidi nin burcad ah? Waxaan rajeynaya in sidii ugudhakhsobadan in lugu maxkamadeeyo ninkaan iyo cidii kale oo sida noocaan ugu howlgasha wadamada shisheeya! Insha'alla si wanaagsan ba looxalindoona arrintaan laakin wa in ay shacabka Soomaaliyeed ay u soo istaagtaan difaaca biyaha badda Soomaaliya!

Wa in layeelo sida waayahaan dhow uu sheegayey Mudane Faarax Axmed Cumar oo ah taliyaha ciidamada badda ee DKM Soomaaliya mararka uu barlamaanka DKM iyo taleefishinada uu kagadhawaajiyay in dad farabadan oo shisheeya ay iminkaan duulaan ku yihiin biyaha badda Soomaaliya waana in lagafaa'iideysto aqoonta aqoonyahaanada qaaliga ah ee Soomaaliyeed oo badan oo sharciyada biyaha badda Soomaaliyeedba wax badan kagaranaaya sida Mudane C. Abshir Cigaal oo isna maalma ka hor taleefishinka Soomaalida qudbad kajeediyay.

Wa in dadka Soomaaliya ay ogaadaan in aysan wax dan ah ugu jirin sidu u dhaqmaayo tuuga riqiiska ah oo ladhaho Cabdiraxmaan Shiikh Ibraahim Maxamed oo sheeganaya xilka wasiirnimada Soomaaliyeed wakhtigaan waana in shacabka Soomaaliyeed in ay ogaato in loobahneyn oo lagafiicanyahay in DKM Soomaaliya ay kalatashato cid aan Soomaali aheyn sida ay dowlada Soomaaliya u maamulidoonto biyaha badda Soomaaliya! Waxaan xaq uleenahay in aan difaacano oo dhowrano sharciyada caalamiga ah oo cadeynaya in Soomaaliya ay iskaleedahay biyaha badda oo xeebta markii laga bilaabo gaareysa 200 Nautical Miles oo EEZ-gu uu yahay 200 Nautical Miles oo kale oo kabilaabata meesha ay biyaha badda Soomaalidu kudhamaato. Cid xaq u leh in ay wax kabadasho sharciyada caalamiga ah oo aduunka oo dhan lagayaqaan majirto islamarkaasna wa in la ogaado sixixa uu tuuga sheeganaya xilka wasiirnimada DKM Soomaaliyana oo ladhaho Cabdiraxmaan Shiikh Ibraahim Maxamed oo ay Kenyaanku kireysteen waxba kamajiraan oo ma'aqoonsandoono xaqdaro noocaas oo kale ah hadaan Soomaali nahay!