Tuesday 31 January 2012

Somalia and the Question of National Sovereignty


Waxaa maalamahaan badatay hadalka lugu mucaaradaayo shirka Landhan bishaan gudaheeda lugu qabandoono. Marka hadalka iyo murankuba dhamaado waxaa loo baahanyahay in la fahmo in Soomaaliya aysan ahayn wadan dowlad 'sovereign' ah leh taasuna waxay dhashay in cidwaliba oo Soomaali ahayn in ay ku dhaqaaqaan in ay talooyin iyo fikrado kaladuwan dhiibaan markii Soomaaliya dowladla'aanteeda laga shiraayo.

Waxaa dadkeenu u baahanyihiin in lafahamsiiyo in shirka Landhan lugu casumikaro dowladdo 'sovereign' ah iyo hay'addo caalami ah oona lacasumikarin dad kale (Sh. Shariif iyo dad lamid ah waxay yihiin 'representatives of Somalia')! Marka waxaan kuligeen u baahanahay in aan garano sababta keentay in wadankeeni uu noqdo wadan aan dowlad 'sovereign' ah lahayn.

Marka ugu horaysa waa qasab in la garto in kalimadda 'sovereign' ay micnaheeda rasmiga ah uu noqonaayo xoog markii af Soomaaliga lugu turjumo. Kadib waxaa loobaahanyahay in la islagarto in xooga kaliya oo Soomaaliyeed oo maanta ka jira dalkeena oo 'sovereign' noqonkara (hadii Soomaalidu iswada af gartaan oo si fiican u midoobaan) waa ragga lugu magacaabijiray Maqaawimadda Soomaaliyeed waagii ay dowladda Xabashiddu ay iskudayday in ay magaalada Xamar xoog kula wareegto.

Hadii maanta xooga kaliya oo jira uu noqday nimanka ladagaalamaaya ciidamada 4 wadan oo ajinabi ah oona islamarkiina ay qeyb kamid ah shacabka Soomaaliyeed oo waxgaradka iskadhiga ay u sacbinaayaan dad kale oo xoog lahayn see baa Soomaaliya dowlad 'sovereign' ah u helidoonta?

Waxaan u baahanahay in aan kuligeen hadaan dad Soomali ah nahay in aan hal meel kasoowadajeesano oo aan gacmaheena kudhisano dowlad xoog leh markaas kadibna aan aduunka u cadayno in aan ka adagnahay in aan awoodeena muujino Soomaaliyana si fiican difaacankarno.

Waxaan aniga u arkaa caqlixummo in laga sugo dowladdo shisheeya oo shiraaya in ay Soomaliya xal u helaan sababtana waxaweeye dowlad kasta danteeda bay difaacanaysa oona mana kujirto danta dowladdo shisheeya in shacabka Soomaaliya dantooda guud ladhowro.

Marka maanta dad badan waxay leeyihiin shirka Landhan wax dan ah ummada Soomaaliyeed uguma jiraan.

Maxay awal rabeen dadka saas u hadlaaya? Shirka dad shisheeya qabanqaabiyay oo lacagta dad shisheeya ba ku baxay. Maxaa ku khasbaaya dadkaas in ay wax waydiiyaan Soomaali aan xoog lahayn? Yaa u baahan talo ka timid Soomaali aan xoog lahayn markii lakiraysankaro Shariif 'Sakiin' iyo wax lamid ah?

Shacabkeena waxay u baahanyiin in ay si deg deg ah isu yimaadaan oo ay ku heshiyaan in ay xoog samaystaan markaas kadib ha la macaamileen dadka shisheeya!

Sida kale waa bay Soomaaliya lahayd dowlad xoog leh oo qaarada Afrika oo dhan baa ixtiraamijirtay dowladdii dhexe ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waagaas laakiin cudur xun oo keenta caqlixumo la iskudaarto ba dadkeena kudhacday oo dowladeenii xooga lahayd baa laburburiyay.

Waxaa nugu dacday jab xun oo weli aanaan kasookabin laakiin wa in laladagaalamo caqlixumada ka imaanaysa cuduradda dadkeena kalaqeybinaaya.

Waxaan ku faraxsanahay in maanta ay jiraan dad Soomaali ah oo badan oo u soojeestay in ay dalkooda iyo dadkoodaba difaacaan waxaana raba in aan arko hadii Rabi ogolaado in shacabka Soomaalida ah oo dhan in ay dadkaas kudayadaan oona garabistaagaan!

Maanta ha moodina in dowlad xoog leh ay ajinabigu idiin rabaan hana moodina in dantiina dad aan Soomaali ahayn kafakaraan hadaa saas qabtiina waxaa ogaataan in cudurkii caqlixumada uu weli dhiigiina kujiro.

Ugu dambeyn waxaan rabaa in dadkeenu ogaadaan in aysan marnaba dhicikarin in ladhiso dowlad Soomaaliyeed oo ajinabi dhisay oo kamadaxbanaan xooga iyo fikradaha guud ee qoladii horay u soodhisatay dowladdaas lugutilmaamidoono dowlad Soomaaliyeed.

Marka waxaan idinleeyahay, shacab Soomaaliyeedo, hadaa rabtiin wanaag iyo in dalkiina labarwaaqeeyo samaysta xoog aad wadankiina iyo dantiinaba ku difaacankartaan hadii saas inaad samaysataana aydnaan rabin, oo cudurkii caqlixumada la iskudaarto aad weli qabtiin, waxaad ajinabiga kadalbataan in ay dantiinii idiin difaacaan oo dowlad idiin dhisaan!

Qofka Soomaaliga ah ha is waydiiyo su'aashaan: maxaa qofka Soomaaliga ahayn oo xooga badan leh ku khasbaaya in uu Soomaaliya iyo dadka Soomaalida ah wax wanaag ah u sameeyo?